Iiraan “Waan kordhinaynaa warshadaheena bacraminta Uraniomta”.

Updated About:635 days ago

Madaxweynaha Dowlada Iiraan Maxamuud Axmedi Najaad ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay Kanalka afka carabiga ah ku hadla ee Al jazeera,waxaa uu ku sheegay in ay damacsan yihiin in ay sii kordhinayaan dhismaha warshadahooda bacraminta Uraniomta.
Hadalka madaxweynaha Iiraan ayaa imaanaya xili ay dowladiisu dib u kicisay warshadii Nuclear-ka ee Bushehr,waxaana haatan ay warshadaasi shidaal cusub oo ay heshay u suurta galinayaa in ay dib u shaqayso.
Saraakiil Iiraaniyiin iyo Rushian isugu jira ayaa ka wada qayb qaatay dib u kicinta warshada,iyadoona inta badan uu shidaalku ka yimi dhina rush-ka,waxaana marka la howl galiyo wasakhdiisa dib u celinaya isla dowlada rush-ka.
Haraaga shidaalka haatan dib loogu kicinayo warshada Bushehr ayaa ah mid ay suurta gal tahay in hadii ay Iiraan hesho ay ka samaysato hubka Nuclear-ka,waxaana sidaa darteed lagu celinayaa Ruush-ka oo awalba lahaafikradiisa.
Dib u kicinta warshadii Nuclear-ka ee Bushehr ayaa dowlada Iiraan waxaa ay damacsan tahay in ay xafladeeda ku beegto dabaaldega qaran ee wadankaasi oo dhowaan dhacaya.
Madaxweynaha Iiraan ayaa ah mid weli ku dhagan mabda iisii dhinaca samaysashada Nuclear-ka korontada laga dhaliyo,iyadoona haatan ay dowladiisu cunaqabatayn ay saran tahay.

Comments (0)

Comments are closed.