Kororka ajaanib nacaybka oo kusii kordhaya wadamada reer galbeedka.

Published on August 23, 2010 by   ·   No Comments

Waxaa kusii kordhaya wadamo badan oo ka tirsan kuwo reer galbeedka nacaybka soo galootiga,iyadoona haatan ay kusii xoogaysanayaan axsaabta midigta fog ee inta badan kazoo horjeeda soo galootiga.
Wargeyska wadanka Britain kazoo baxa ee lagu magacaabo Indipendent ayaa qoray warbixin dheer oo ku aadan kororka nacaybka ajaanibta ee qaar ka tirsan dalalka Yurub.
Dad badan oo haysta dhalshada dalalka ay joogaan hadana kazoo jeeda wadamo kale oo caalamka ka tirsan ayaa iyaguna qayb ka ah dadka nacaybka ajnabiga ee qaarada Yurub dareemay.
Qaar kamid ah axsaabta midigta fog ee inta badan haatan gacanta ku dhigay xukumadaha dalalkooda ayaa qorshaynaya in ay diirada saaraan waxyaabihii ay inta badan ku ololaynayeen,waxaana jira axaab kale oo iyagana fikradoodu fogtahay oo garab siinaya.
Muslimiinta ayaa kamid ah kuwo sida gaarka ah dadkooda diirada loogu hayo,waxaana nacaybkoodu uu noqday kuwo asal ahaantooda lagula xiriiriyo.
Britain waxaa ay haatan qorshaynaysaa in ay hoos u dhigto cadadka soo galootiga ee dalkeeda,iyadona wadamada kale ee Scandanevian-ka ay sidaas oo kale talaabooyin noocaas oo kala ah ay ku qaadayaan.

Readers Comments (0)

Comments are closed.