Afhayeenka ciidamada mareykanka Colonel Erik Bloom ayaa sheegay in guutadii ugu dambeysay ee ciidamada mareykanka ku sugan dalka ciraaq ay ka gudbeen xadka ay wadaagaan ciraaq iyo Kuwait saddexdii subaxnimo.
Guutada ka baxday ayaa lagu magcaabaa guutada Striker oo katirsan ciidamda dhulka qeybta labaad.
Kabixitaanka ciidamada mareykanka ee dalka ciraaq ayaa ku soo beegmaysa laba toddobaad ka hor xilligii uu u qabtay madaxweyne Obama in uu kala baxo ciidamada mareykanka kaga sugan dalka ciraaq.
Wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka ayaa sheegtay in howlgalada mareykanka ee dalka ciraaq aysan weli soo afjarmin , balse xukuumadda mareykanka ay doonayso in ay u janjeersato dhanka arrimaha madaniga .
Dalka ciraaq ayaa waxa sii joogi doono 50 kun oo askari oo katirsan ciidamada mareykanka ilaa dabayaaqada 2011, kuwaasi oo howshooda ku koobnaan doonto tababarka ciidamada ciraaqiyiinta.
Warbaahinta dalka mareykanka ayaa tabinaysa sawirada baabuurta gaashaaman ee guutada Striker oo ka sii baxaysa dalka ciraaq kuwaasi oo ka gudbaya xadka ay wadaagaan dalalka Kuwait iyo ciraaq.
Kabixitaanka ciidanka mareykanka dalka ciraaq ayaa ku soo beegmaya laba maalin kadib qaraxyo kadhacay dalka ciraaq ay ku dhinteen 70 qof iyadoo sidoo kalna ay ku dhaawacmeen 140 kale.
Ururka Al-qaacida ayaa kordhiyey qaraxyada iyo weerarada dalka ciraaq tan iyo markii ay dowladda mareykanu shaaca ka qaaday in ay ciidamadeeda kala baxayso dalka ciraaq.
Comments are closed.