Mudo 70 sano ah markii ugu horaysay ayaa siyaasada Austrelia ee dhinaca doorashooyinka ay noqdeen kuwo aan natiijadooda codod badan la kala dheerayn,waxaana ay inta badan haatan axsaabtu u muuqdaan kuwo isku barbar dhacaya marka la eego natiijada.
Xisbiga Mucaaradka ee uu hogaaminayo Tony Abbott ayaa haatan natiijooyinka la hayo waxaa uu hal kursi dheeraaday xisbiga kale ee muxaafidka ee ay hogaaminayso Jullia Gillard.
Jullia Gillard oo horaantii codbixinta ku baaqday in ay shacabku kala doortaan horumar oo ay ula jeeday xisbigeeda iyo dib u dhacay oo dhinaca kala ah ayaa waxaa arintaasi markii uu dareemay in uu kor usoo kacayo xisbigiisu Tony Abbott waxaa uu sheegay in ay tahay mid ay horay Gillard ugu dareensanayd in ay guul darado tahay mid kusoo wajahnayd.
Raysal wasaare Jullia Gillard waxaa ay sheegtay in ay dagaalamayso tan iyo inta ay natiijadu noqoto mid meel u dhacda,iyadoona sida haatan muuqata aanu jirin xisbi kaligiis guul sheegan kara.
Kuraasta ugu badan ee looga baahnaa in ay axsaabtu ku kala guulaystaan ayaa ahaa ilaa 76 kursi,waxaana haatan ay u kala sitaan 73 oo xisbiga mucaaradka iyo 72 oo xisbiga muxaafidka ah.