Qarax kadhacay gobolka Shiinjiyaang dalka China oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Updated About:637 days ago

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Shinkhuwa qarax kadhacay magaalada Aksuu ee ku taal galbeedka gobolka Shinjiyaang ee dalka shiinaha ayaa waxa ku dhintay inta la ogyahay 7 qof, sidoo kale qaraxaas ayaa sababay dhaawaca 14 qof .

Ka dib markii qaraxa uu dhacay ayaa durbadiiba waxaa lagu dhaqaaqay howlgal baaritaan ah, booliska ayaa gacanta ku dhigay qof ku sugnaa goobta qaraxa kadhacay, waxaana hadda socoto hawl-galo baarintaan ah oo lagu ogaanayo ciddii qaraxaas ka dambaysay, meeshii laga soo maleegay iyo qaabkii uu dhacayba.

Dhanka kale xarunta xuquuqda aadanaha iyo dimuqaraadiyada ee fadhigeedu yahay Hong Kong ayaa xaqiijisay in qaar kamid ah dadka deegaanka ay sheegeen in xukuumadda Shiinaha ay amaro ku soo rogtay gobolkaas, islamarkaana ay ciidamo boolis dhigtay wadooyinka magaalada Askuu ee gobolka Shiiinjiyaang taasi oo shacabka deegaanka ka caraysiisay.

Xukuumadda China ayaa horey ugu eedeysay kooxaha gooni u goosadka in ay ka dambeeyaan qaraxyada iyo rabshadaha ka dhaca deegaanada ay ku badan yihiin dadka muslimiinta laga tirada badan yahay dalka china.
Tirada muslimiinta ku nool dalka China ayaa ah 8 malyan oo qof , kuwaasi oo kacabnaya in aysan helin xuquuqdii ay u lahaayeen in looga faa’ideeyo kheyraatka dalkooda.

Comments (0)

Comments are closed.