Safaarada Soomaaliya Ee Hindiya Oo La Wareegtay Muwaadinin Soomaali Ah Lagu Hayey Jaziirada Maldives

Published on August 20, 2010 by   ·   No Comments

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya ayaa lagu soo wareejiyey muwaadinin Soomaali ah oo lagu qabtay Jaziirada Maldives ee ku taalla Badwaynta Hindiya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Mrs.Abyan Nuur oo Shir jiraa’id ku qabatay xarunta Safaarada ee magaaladda New Delhi ayaa sheegtay in muwaadinin soomaali ah oo gaaraya 27-qof lagu soo wareejiyey isla markaasna dib loogu soo celin doono dalka Soomaaliya.

Waxaa ay intaas ku dartay in muwaadinintaas Soomaaliyeed ay sheegeen in ay yihin kaluumaysato,iyadoo xilli hore looga shakiyey in ay yihin Burcadbadeed.

Ambassador Abyan Nuur ayaa sheegtay in dhamaantood ay ogolaadeen in dib loogu soo celiyo dalkoodi Hooyo,ayna tilmaamtay in ay ka kala soo jeedaan gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Jaziirada Maldives ayaa sheegtay maalinimadii talaadada in 27-qof oo Soomaali ah ku wareejisay Safaarada Soomaaliya ee dalka Hindiya.

Readers Comments (0)

Comments are closed.