Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya oo Canbaareeyey Xasuuqii Hotel Muna

Published on August 27, 2010 by   ·   No Comments

Ururada Bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay xasuuqii Hotelka Muna ee magaalada Muqdisho lagu laayay dad yarid ah shaqaale dowladdeed iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda kmg ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ee gobolka banaadir muxudiin xasan afrax oo maanta shir-jaraa’id ku xafiiska bulshada rayidka ah ee magaalada muqdisho, ayaa cambaareyn u soo jeediyay falkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay hotelka muno ee magaalada muqdisho, wuxuuna sheegay in ay tahay arrin Qatar ah oo u baahan in bulshadu iska warsato islamarkaana si wadajir ah uga hortagto.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in la soo gaaray waqtigii ay bulshadu kici lahayd oo ay isabaabuli lahayd, wuxuuna sheegay in in badan oo ka mid ah bulshada ay u dagaalami la yihiin yaan lagu dilin, balse loogu imaan doono guryahooda hadii aysan ka qeybqaadan dadaaladda wadajirka looga sifeynayo kooxahan caadaystay in ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha bulshada rayidka ah Muxyadiin Xasan Afrax ayaa dhanka kale ugu baaqay bulshada soomaaliyeed in aysan isku halayn cid kale oo ay isku diyaariyaan halkan weyn oo ay isku xoreynayaan, wuxuuna ka dalbaday in ay si wadajir ah uga hortagaan musiibadan dunida ku soo korortay, isagoo ugu danbeyn dowladda ka dalbaday in ay isu diyaariso sidii ay u fashilin lahayd weeraradaas waxashnimada ah

Readers Comments (0)

Comments are closed.