Wadahadalada Madaxweynaha Falastiinyiinta uu ogolaaday oo lagu tilmaamay ismiidaamin.

Updated About:634 days ago

Sida laga war qabo waxaa uu madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas uu ogolaaday in uu wadahadal tos ah la bilaabao maamulka dhigiisa ah ee Isreal.
Ogolaanshaha wadahadalada ee Cabaas ayaa sida ay khuburo ku xeeldheer arimaha bariga dhexe ay tilmaamayaan waxaa ay tahay mid ismiidaamin ah,maadaama aan weli la cadayn siyaasada Isreal eek u aadan dhismayaashii sharci darada ahaa ee ay waday iyo weerarada joogtada ah ee ay inta badan ku qaado qaza iyo daanta galbeed.
Maraykanka oo la ogyahay meesha ay kala taagnaayeen Isreal marka ay timaado arinta Falastiin ayaan la ogayn waxyaabaha ay isku qanciyeen,iyadoona Isreal raysal wasaaraheeda uu ku gacan sayray baaq horay uga soo yeeray madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.
Khubrada siyaasada bariga dhexe ayaa tilmaamaya in aanay jirin kalsooni dhab ah oo laga qabi karo qaabka ay u soconayaan wadahadalada labada dhinaca mudada halka sano ah ee loo balan sanyahay.
Isreal ma ku qanci doontaa in ay qaadato go aankii ay horay u diiday oo ahaa joojinta dhisamayaasha sharci darada ah ? mase aqbali doontaa in ay yeelato Falastiin dowlada ka barbardhisan caasimadeeduna ay noqoto Qudusta bari?.
Su aasha kale ee ay dadku sida aadka ah isu weydiinayaan ayaa ah Isreal ma waxaa ay heshay qancin ku aadan in loogu dari doono in ka hartay dhulka falastiin oo haatan u badan kaamam ay qaxooti daganyihiin.

Comments (0)

Comments are closed.