Xarakadda Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jirtay Ciidamada Dawladda Federaalka iyo kuwa AMISOM maalmihi lasoo dhaafay ayaa maanta soo bandhigtay ciidan badan oo ay ugu talagashay in ay ka qayb qaatan dagaalka.
Xeradii hore ee Maslax ee ku taallay Muqdisho ayay Saraakiisha Al-Shabaab kusoo bandhigeen boqolaal askari oo ku lebisnaa dareeska Ciidanka, isla markaana ku hubeysan hubka darandooriga u dhaca.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere oo shir jiraa’id goobta saxaafada ugu qabtay ayaa sheegay in Ciidankan ay gurmad u yihin kuwa dagaalka kula jira Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu sheegay in ay ka kala yimaadeen gobolada ay ka arimiyaan. Wuxuu ugu baaqay ciidanka in ay dagaalka xoojiyaan isla markaasna soo afjaraan Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM
Hore Xarakadda Al-Shabaab waxaa ay ugu baaqday shacabka ku dhaqan Muqdisho iyo kuwa kale ee ku dhaqan gobolada ay ka taliso in ay ka qayb qaatan dagaalka oo ay ku tilmaameen mid dalka looga saarayo kuwa kusoo duulay sida ay sheegeen ee AMISOM iyo Dawladda Federaalka.
Dagaalada ka soconaaya Muqdisho ayaa weli ilaa iyo hadda wax natiijo rasmi ah kasoo bixin marka laga reebo khasaaraha dadka rayidka oo maalin weliba kordhaaya iyadoo bisha barakaysan ee Ramadaan uu yahay mid gabo gabo ah laguna jiro maalmihi ugu kheyrka badanaa.
Comments are closed.