Boqorka Urdun iyo madaxweynaha Syria ayaa ku kulmay xarunta wadanka syria ee Dimishiq,waxaana ay labada masuul wadahadaladooda oo saacada qaatay ay ka wada hadleen xaaladaha dhinaca wadahadalada ah ee haatan kasoo dhex cusboonaaday Isrealiyiinta iyo Falastiinyiinta.
Boqorka Urdun Boqor C/lla ayaa u sheegay madaxweynaha Syria halka ay marayso wadahadalada ka dhex bilowday Falastiinyiinta iyo Isrealiyinta,waxaana uu sheegay in bilowgii wadahadalada ay ahaayeen kuwo si dardar leh ku socda,waxaana loo balansanyahay sida uu sheegay in ay wadahadaladaasi sii socdaan.
Boqo C/lla ayaa ka codsaday Bashaar Al asad in uu ka qayb qaato wadahadalada u muuqda kuwo heer goboleed ah,iyadoona marka laga yimaado labada dhinac ee haatan wadahadlaya ay iyaguna ka qayb qaadanayaan madaxda dalalka Urdun iyo Masar.
Madaxweynaha syria Bashaar Al asad ayaa dhinaciisa soo dhoweeyay wadahadalada,waxaana uu sheegay in ay adagtahay in uu wadahadalkaasi miro dhalo iyada oo ay ka maqan yihiin garbyada kale ee falastiinyiinta,waxaana uu sheegay in garabka haatan wadahadalkaasi ka qayb galaya uu yahay hal dhinac.
Boqorka Urdun Boqor C/lla iyo madaxweynaha Masar Xusni mubaarak ayaa ahaa madaxdii carbeed ee lagu casumay bilowgii wadahadalada falastiinyiinta iyo Isrealiyiinta ee labadii bishan ka farmay xarunta wadanka Maraykanka ee Washington.
Comments are closed.