Ciidanka Booliska ee Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer oo xiray ilaa 8 qof

Updated About:621 days ago

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee Xarun ta Gobolka Togdheer ayaa sheegay in ciidanka Booliska ee magaalada Burco ay qabqabteen dhalinyaro gaaraysa ilaa 8 qof iyagoo dhamaan u dhaadhiciyey Xabsi ku yaal Burco.

Ciidanka Booliska ee magaalada Burco ayaa saaka waxaa ay howl galo ka sameeyey magaalada, ayaa waxa ay 8 qof ku bartilmaam sadeen goobo kale duwan oo ku yaal magaalada Burco ,ciidanka Booliska ayaa ilo ku dhow waxaa ay sheegayaan in ciidanka uu dhalinyaradaan uga shakisan yahay in ay gacan saar la leeyihiin ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta dalka Soomaaliya

Warar kale duwan ayaa ka soo baxay dadka la xiray cid ay yihiin iyo halka ay ka soo jeedaan balse Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Burco ayaan ilaa hadda wax faahfaahin ah ka bixin howl galka ay ciidanku ku soo xireen dhalinyardaan.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasin Maxamed oo saxaafada uga waramay dhalinyaradaan la qab qabtay isagoo  ku dooday in dhalinyaradaan ay ka yimaa deen Hareerahooda oo uu ula jeeday Gobollada ku dhow.

 
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasin Maxamed Cabdi ayaa xusay in dhalin yaradaan ay falal amaan xumo ay gacanta kula jireen baaritaana uu hadda ku socdo, Gudoomiyaha ayaa xusay in howl-galka ciidanku uu yimid ka dib markii magaalada laga hellay jawaano ay ka buuxaan walxaha qarxa, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasin Maxamed ayaa waxaa dhawaan xilka u magacaabay Madaxweynaha  Maamulka S/lland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Ma ah markii ugu horaysay oo ay ciidanka Booliska Burco ay fuliyaan howl gal ay ku soo xirayaan dad ay ku eedeynayanaa ama ay uga shakisan yihiin in ay xiriir la leeyihiin kooxaha ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya , Bilihii la soo dhaafay ayaa ciidanka Booliska Burco waxaa ay weerareen guri ay ku jireen dhalinyaro hubeysan ka dibna waxaa dhexmaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Comments (0)

Comments are closed.