Ciidanka Booliska ee magaalada Garoowe oo qabtay lacag been abuur ah

Updated About:621 days ago

Ciidanka Booliska ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntlland ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen lacag faalso ah oo la doonayey in la soo geliyo magaalada Garoowe.

Ciidanka Booliska ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ay lacagtaan been abuur ka ah ku qabteen Kontrolka magaalada Garoowe iyadoo lacagtaan gaarigii waday uu soo dhex geliyey lacag kale oo sax ah oo ah mid laga isticmaalo Suuqyada Puntlland.

Ciidanka Booliska oo baaritaan badan ku sameynaayey Baabuurta ayaa waxaa ay aad u baareen baabuurta waxaana ay mid ka mid ah ka helleen lacagtaan been abuurka ah oo la filayo in ay tahay lacagtii dhawaan lagala baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ciidanka Booliska ee Garoowe ayaa waxaa ay ka gaabsadeen in
ay saxaafada uga waramaan meesha iyo cida ay ku socotay lacagtaas, ma ah markii ugu horaysay oo ciidamo ka tirsan kuwa Puntlland ay qabteen lacag been abuur ah oo si sharci daro ah la doonayey in la galiyo suuqyada Puntlland.

Comments (0)

Comments are closed.