Wasiirada arimaha dibada Maraykanka Hillary Clinton ayaa ka digtay fashil ku yimaada wadahada haatan u socda madaxda Isreal Iyo Falastiin ee la doonayo in xalka looga gaaro dhibaatooyinka sii baahaya ee labada dhinac ka jira.
Shir jaraa id oo ay Clinton qabatay kadib wadahadaladii tooska ahaa ee Raysal wasaaraha Isreal iyo madaxweynaha Falastiin uga bilowday Khamistii Washington ayay ku sheegtay in uu yahay kulanka wadahadalada ee Washington kii ugu dambeeyay ee xal lagu dhex dhigi karo labadaasi dhinac.
Clinton waxaa ay dhinaceeda sheegtay in ay rajo weyn ka qabto sii socoshada wadahadalada haatan bilowga ah,iyadoona sida ay sheegtay rajo weyn ka qabta in ay guul ku dhamaan karto hadii ay dhinacyada wadahadlay dul qaad muujiyaan.
Wadahadalo la sheegay in ay socon karaan mudo Hal sono ah ayaa madaxda Isreal iyo Falastiinyiinta waxaa ay uga bilowdeen khamiistii aynu soo dhaafnay xarunta wadanka Maraykanka ee Washingto.
Labadii asbuuc mar ayaa loogu balamay wadahadaladaasi in ay dib ugu kulmaan Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Raysal Wasaaraha Isreal Benyamin Natanyahu.
Ururada Xoriyad u dagaalanka Falastiiniyiinta oo ay Xamaas hogaaminayso ayaa horay wacad ugu maray in ay shirkaasi fashilinyaan,iyagoona sida ay sheegeen laba jibaaraya weeraradooda ka dhanka ah Isrealiyiinta xooga lagu dajiyay Daanta galbeed.