Duqeyn xoogan ayaa waxaa ay ku socotaa Suuqa weyn Bakaaraha ka dib markii uu dagaal ka qarxay Isgoyska Dabka halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada AMISOM iyo kooxaha Islaamiyiina.
Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday difaaca hore ee ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM iyaga oo doonaya in ay la wareegaan wadada halbowlaha u ah DFKM ee Makka Al-Mukarama.
Dagaal goosgoos ah iyo Duqeymo ayaa haatan ka socda inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo wadada Makka Al-Mukarama waxaana hoobiyaal lagu ganay Villa Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa saaka ka soo degtay garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde diyaarad weyn oo saanad Milatari iyo ciidan u sida ciidanka AMISOM
Comments are closed.