Hogaamiyaasha Falastiin iyo Israil oo wadahadalkooda uga furamayo Washington

Updated About:624 days ago
Waxaa xalay Aqalka Cad ee Maraykanka kulan casho ah ku yeeshay hogaamiyaasha Bariga Dhexe ee Falastiin, Masar, Urdun, Israil iyo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

 

Kulankan casho ayaa horudhac u ah wadahadalka lagu wado in maanta uu u bilowdo hogaamiyaasha Falastiiniyiinta iyo Israil, kuwaasi oo 20 bilood kadib dib u bilaabi doona wadahadalkoodii fool ka foolka ahaa.’

Barack Obama ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha uu casumay inay raacaan wadadii ay horey u mareen hogaamiyaashii hore ee Anwar Saddat, Reggan, Rabin iyo King Abdallah. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in fursadan aysan dhumin oo ay gaaraan heshiis waara.

Benyimin Netenyahu hogaamiyaha Israil ayaa sheegay inuu diyaar u yahay waan waan nabadeed oo rasmi ah, isla markaana uu u arko Maxamuud Cabaas hogaamiyaha Falastiin nin ay ka wadahadli karaan xal loo helo khilaafka iyo dagaalka dheer ee u dhaxeeya Israil iyo Falastiin.

 

Maxamuud Cabbaas Hogaamiyaha falastiin oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in nabada la gaarayo ay noqoto mid xaqiijisa xoriyada shacabka reer Falastiin kuwooda ku nool dhulka la heysto iyo waliba kuwa qurbaha ku nool.

Boqor Abdullahiga Urdun oo asaguna kamid ah hogaamiyaasha Washington lagu casumay, ayaa khudbadiisa ku sheegay in hadii nabad laga gaari waayo iskudaygana fashilo, ay dhibaato iyo caqabado horleh ku keeni doonto nabadgelyada bariga dhexe.

Madaxweynaha Masar Xusni Mubarak ayaa asagu sheegay in loo baahan yahay Israil inay fursadan ka faa’iideysato isla markaana qaadato baaqii horey ay usoo jeediyeen wadamada Jaamacada Carabta oo ahaa in Israil ay ogolaato maamul Falastiin kana baxdo dhulka ay heysato qeybo kamid ah.

Maanta ayaa lagu wadaa in wadahadalka rasmiga ah ka furmo xarunta Wasaarada Arrimaha dibada ee Washington, halkaasi oo ay ku kulmi doonaan Maxamuud Cabaas iyo Benjamin Netenyahu.

 

 

Inkastoo hogaamiyaashan kulankooda si weyn loo hadal hayo, ayaa hadana waxaa jira dad badan oo aaminsan in wax natiijo ah aysan kasoo bixi doonin wadahadalkan, oo ay ku tilmaameen mid uu doonayo Barack Obama inuu ku badbaadiyo sumcadiisa wadamada Islaamka iyo Carabta.

Waxaana dhaliilaha ugu weyn ee loo soo jeedinayo wadahadaladan kamid ah in aysan madasha ku sugneyn Xisbiga hubeysan ee Xamaas oo awood badan ku dhexleh shacabka Falastiin.

Comments (0)

Comments are closed.