Hogaamiyayaashii Sool Sanaag iyo Cayn oo heshiis wada gaaray (SSC)

Published on September 3, 2010 by   ·   No Comments

Hogaanka dhaq dhaqaaqa SSC ayaa shaaciyey in ay xaliyeen khilaafyo soo kala dhexgalay labo garab oo kawada tirsan SSC, dhawaana qaadi doonaan hawlgalo cusub.

Col.Cali Xassan Axmed Seberay  Guddoomiye kuxigeen SSC oo u waramay Horseed Media ayaa sheegay in lasoo afjaray khilaafyo uu ku tilmaamay kuwo yar yar oo soo kala dhexgalay hogaanka SSC.

Horey ayuu Keyse Cabdi Yusuf oo kamid ahaa hogaamiyaashii SSC u sheegay inuu ka baxay dhaq dhaqaaqaasi arrintaasi oo la sheegay in ay la xariirtay khilaaf soo kala dhexgalay garabkiisa iyo hogaanka SSC uu hormuudka u yahay Dr.Saleebaan Xagalatoosiye.

Podcast: Play in new window | Download

Col.Saberey ayaa sheegay in xil loo magacaabi doono Keyse Cabdi Yusuf, wallow uusan carbaabin xilkaasi waxa uu noqon doono.

Wuxuu sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka SSC ka hadlay Sadex Xildhibaan oo horey uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo kuraastoodii laga xayuubiyey, asagoo sheegay in Xildhibanadaasi ay ka tirsan yihiin mas’uuliyiinta deegaanka kasoo jeeda ee hada ku sugan Buuhoodle oo ka qeyb qaadanaya halganka ay ku jiraan.

Col.Saberey ayaa sheegay in Bisha Ramadaan kadib ay bilaabi doonaan hawlgalo cusub oo uu sheegay inay gobalka Sool uga saari doonaan ciidamada maamulka Somaliland.

Xigasho Horseed

Readers Comments (0)

Comments are closed.