
Maamulka Yahuuda ee sida xooga ah ku dagay Falastiin ayaa hada bilaabay howl galo qarsoodi ah oo uu muwaadiniinta Falastiinyiinta ay ku beegsanayaan,waxaana deegaano ka tirsan daanta galbeed ay noqdeen kuwo ugu badan ee Falastiinyiinta lagala baxao iyagoona qaarkood la arko iyaga oo mayd ah.
maamulka Yahuuda waxaa ay horay cidamadoda u samayn jireen howl galo inta badan laga warqabo oo ay si xoog ah ay Falastiinyiinta ugala soo bixi jireen,laakiinse qaabkan haatan cusub ayaa ah sida la sheegay mid yaraynaya ka warqabitaankooda,iyadoona laga baqayo hadii la ogaado in ay sumacadooda wadahadalada haatan ay ku waxyeelayso.
qaar ka tirsan muwaadiniinta Falastiinyiinta ee Marinka Qaza ayaa maalintii shalay ku geeriyoday weerar dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka Isreal ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen,waxaana weerarkaasi lagu tilmaamay mid aargudsho u ahaa dilkii loo gaystay Afar kamid ah yahuuda sida xooga ah lagu dajiyay Daanta galbeed
masuuliyiinta maamulada Yahuuda iyo Falastiin ayaa ah kuwo afka gaabsaday kadib wadahadalkii maalintii kahmiista uga bilowday xarunta wadanka Maraykanka ee Wsington.