Maraykanka oo ka walaacsan warbixinada ay IAEA kasoo saarayso Nuclear-ka Iiraan.

Updated About:618 days ago

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay war bixino cusub oo laga soo saaray samaysashada Nuclear-ka ee Iiraan,waxaana uu afhayeenkaasi sheegay in ay warbixinadaasi yihiin kuwo ka run sheegaya dooni taaka Nuclear-ka ee Iiraan.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in ay warbixintu xusayso shaqada ku socota bacraminta Uraniomta laga samaynayo hubka Nuclear-ka,waxaana uu sheegay in  si qarsoodi ah howlahaasi loo wado,iyadona aanay jirin wax cadayn ah oo ku aadan arintaasi.

Maraykanka oo horay cunaqabatayn ugu soo rogay Iiraan ayaan la ogayn waxa sii kordhinaya walaaciisa ku aadan  samaysashada Nuclear-ka,iyadoona aanay jirin haatan dhaqdhaqaaq ku aadan helitaanka Iiraan ee hubkaasi.

Iiraan waxaa ay dhowaan kicisay warshadeedii Nuclear-ka ee Busher kadib markii ay ka heshay shidaalkii lagu kicin lahaa warshadaasi dowlada Ruush-ka oo iyadu dib ula noqonaysa shidaalka wasakhdiisa si aanay ugu sahlanaan Iiraan in ay hubka Nulear hesho.

madaxweynaha Iiraan horay waxaa uu u sheegay in aanay joojin doonin doonitaankooda ku aadan helitaanka Nuclear ay si nabad ah u isticmaalaan,waxaana uu sheegay cunaqabatayn kasta oo lagu soo rogo in aanay wax u dhimi doonin siyaasadoodii arintaasi ku aadanayd.

Comments (0)

Comments are closed.