
Madaxii hore ee hay ada Nulearka Qaramada Midoobay Maxamed Al baraadiici ayaa ku dhaliilay Dowlada Masar in ay wado qorshayaal ay sumcadiisa ku xumaynayaan,waxaana uu hadalkiisa yimi kadib markii lagu soo daabacay Facebook sawiro ay gabdhiisu ku jirto iyada oo xiran dharka bada lagu galo ee khafiifka ah.
Al baraadici waxaa uu sheegay in ololaha haatan ay ku jiraan uu yahay mid loo baahanyahay in isbedel ay ku sameeyaan,wax kasta oo naga horyimaada ma noqon doonaan ayuu yiri Al baraadici kuwo naga joojiyo dimuqraadiyada aanu dalkayagu u doonayno.
Sawirada lagu soo bandhigay Face book ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo ay gabadha Al baraadiici inta badan lagula abaarayay goobaha ay ku joogto,waxaana mar lagu soo bandhigay iyada oo wadata dhar yaryar garbkana haysata ninkeeda oo Briitish-ah.
Maxamed Al baraadici oo ah Madaxii hore ee hay ada Nulearka Qaramada Midoobay IAEA ayaa Masar ku laabtay bishii Febraury ee aynu soo dhaafnay,waxaana mudo 12 sano ah oo uu Viena ku sugnaa uu dib ugu soo laabtay dalkiisa isaga oo ah musharax madaxweynanimo.
Comments are closed.