6 Nin oo qaarkood aad looga yaqaan Portugal ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii lagu helay dambiyo ay kamid yihiin fara xumayn,iyadoona cadaymo lagu soo bandhigay waxyaabihii ay gaysteen.
raga xabsiga lagu xukumay ayaa waxaa kamid ah Wariye ka shaqaynayay Taleefishinada wadankaasi,kaasi oo aad caan uga ah guud ahaanba wadankaasi,waxaana lagu magacaabaa Carlos Cruz.
Carlos Cruz waxaa uu qayb ka ahaa raga lagu helay dambiga ah fara xumaynta,waxaana sida la sheegay uu dhiiri galin ka gastay faraxumayn lagula ka cay wiilal ay da doodu ka hoosayso 18 jir,iyadoona qaar kamid ah raga dambiga kula jira ay mararka qaar xoog u adeegsanayeen dhalinyaradaasi.
mid kamid ah Lixda Nin oo la xukumay oo isna lagu magacaabo Silvino ayaa la sheegay in uu dardar galiyay howsha fara xumaynta,iyadoona uu lacago kaga aruursan jiray u kala gudbinta iyo kala iibsiga dhalinyarada la sheegay in gabood falka loo gaystay.
wadanka Portugal ayaa dhacdadani ay ka noqotay mid aad looga naxo,iyadoona si aad ah ay haatan dadku indha ku hayaan rag uu ka mid yahay Carlos Cruz waxyaabihii ku kalifay arintaasi.
dhamaan raga lagu xukumay xabsiga ayaa u badan rag da weyn,waxaana ilaa iyo hada guud ahaan Portuges-ka iyo dhamaan dalalka qaarad Yurub si weyn wax laysaga weydiinayaa dhacdadaasi.
Comments are closed.