Raiisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu horkacyo ayaa galabta ka baqoolay magaalada Muqdisho isaga oo u sii jeeda xarunta dalka Kenya ee Nairobi.
Wafdiga R/wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Dheeg, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Amniga Qaranka Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo Wasiir ka Shaqada iyo Hormarinta Shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Raiisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu kulamo la yeelan doonaa marka uu gaaro Kenya wafdi ka socda QM waxaa ayna ka wada hadli doonaan xaalada guud iyo dagaalka ka socda Muqdisho iyo sidii loo taageeri lahaa DFKM iyo ciidanka AMISOM.
Comments are closed.