Dowlada Ruush-ka ayaa bilowday in ay heshiisyo ganacsi oo dhinaca hubka ah in ay la gasho maamulka Isreal ee uu raysal wasaaraha ka yahay Benyamin Natanyahu,waxaana hubkaasi oo noocyo kala duwan leh ay go aan sadeen ruushku in ay ka gadaan Isreal kadib markii ay madaxda labada dal ay mudo ka wada hadlayaan arimahaasi.
sanadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay Ruush-ku ka gadeen Isreal dhowr kamid ah diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca,waxaana uu heshiiskan cusub uu lamid yahay kuwii ay labada dhinaca horay u wada gali jireen.
qaar kamid ah Ururada iyo hay adaha Islaamiga ah ayaa cambaareeyay heshiisyada dhinaca hubka ah ee ay Ruushku la galayaan Isreal,waxaana ay ku dhaleeceeyeen Ruushka in uu wax ka gadayo maamul gumaysi ah oo gumaadaya shacab aan hubaysnayn.
Dowlada Ruush-ka ayaa u muuqata mid haatan dhinaca reer galbeedka usii janjeersanaysa kadib markii ay ogolaatay In cunaqabatayn lagu soo rogo Iiraan iyo in ay hub ka gado maamulka gumaysiga yahuuda.
Isreal ayaan la ogayn halka ay ugu talagashay hubka cusub ee ay haatan soo iisanayso xili haatan ay wadahadao kula jirto maamulka falastiin ee daanta galbeed.
Ruush-ka wax war ah kama soo saarin dhaleecaynta loo jeediyay,waxaana ay u muuqataa in ay tahay mid ay horay maamulada labada dal ay u qorshaysteen kala gadashada hubka.