Raysal Wasaarihii hore ee Britain Tony Blair oo waraysi dheer siiyay BBC-da qaybta dibadaha la hadasha ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada haatan ka jirta caalamka ay tahay mid ka dhalatay xag jirnimada Islaamka.
Dagaalada iyo dhibaatooyinka caalamka ka jira ayaa Tony Blair sheegay in ay sababtay xagjirnimada ururada Islaamiga ah ee ka jira Checheniya , Kashmiri, Palestinians, Iraqi iyo Afghanistaan,iyadoona sida uu sheegay dagaalkoodu uu yahay mid hal meel ka shidaal qaataq sida uu hadalka u dhigay.
Blair ayaa isaga lagu soo celiyay fikrada uu dagaalada haatan caalamka ka jira uu ka aaminsan yahay,waxaana wax laga weydiiyay in uu isagu qayb ka ahaa sababaha keenay kororka waxa uu ugu yeeray xagjirnimada Islaamka.
Blair ayaa sheegay in uusan sabab u ahayn kororka Ururada Islaamiga ah,waxaana uu sheegay in uu ku salaysnaa dagaalkii ay iyagu Ciraaq ku qaadeen mid ay hubka Nuclear-ka iyo kan Bayloojikalka ku tuhun sanaayeen in ay dowlada Sadaam ay haysatay.
Balair waxaa dhowaan waraysi uu bixiyay uu kaga cudur daaraty geeridii faraha badnayd ee ay sababeen dagaalkii ay ku qaadeen Ciraaq,waxaana uu sheegay in ay tahay mid siyaasadiisa qayb mugid ah kaga gashay.