UN-ka oo ka dayriyay xaalada haweenka Congo ee ay Mucaaradku kufsanayan

Updated About:624 days ago

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay aad ugu sii kordhayso bariga wadanka Congo kufsiga ay Kooxaha mucaaradka ah ay si wadar ah ugu gaysanayaan haweenka deegaanadaasi.

Afhayeen u hadlay qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay haatan diiwaan galiyeen boqol xaaladood oo ah kufsi jamaaci ah oo loogaystay haween ku dhaqan deegaanada bari ee wadankaasi.

Kooxaha mucaaradka ee Rwanda iyo Congo ayaa la aamin sanyahay in ay ka dambeeyeen kufsiga haweenkaasi,waxaana sidaas oo kale ay Afar asbuuc kahor ay haween badan ugu gaysteen kufsi gobolka Kiyivuda waqooyi.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aay aad uga xuntahay in inta badan dhacdooyinkan goobaha ay ka dhacayaan ay tahay goboo ku dhow meelaha ay ciidamada UN-ku fariisinka uga leeyihiin wadankaasi.

Ciidamada UN-ka ee Congo ayaa uga jawaabay dhaleecaynta arimahaasi uga imaanaya in aanay ka warqabin,iyadoona sida ay sheegeen marka ay dhacdooyinkaasi oo kala dhacaan ay 10 bari kadib ay maqlaan.

Kulan dagdag ah oo UN-ku arimahaasi ka yeeshay ayaa xooghayaha qaramada Midoobay Ban Kii Moon waxaa uu kaga codsaday Dowlada Congo in ay ka qayb gasho baaritaanka arimahaasi.

Comments (0)

Comments are closed.