Xaamid Karzai oo gudi u magacaabay wadahadalada uu Daalibaanka la galayo

Published on September 6, 2010 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Afganistan Xaamid Karzai ayaa qoraal kazoo baxay xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabay koox gaar ah oo u qaabilsanaanaysa wadahadalada la filayo in ay bisha June dhex maraan isaga iyo qaar ka tirsan Daalibaanka.

Kooxdan ayaa sida la sheegay waxaa ay qaabilsanaan doontaa in ay dardar galiso mudada wadahadalka ka hartay qaabka iyo goobta lagu wadahadlayo,waxaana ay qaybka noqonayaan isku soo dhoweynta dhinacyada wadahadlay.

Daalibaaka Afganistan ayaa xukunka laga tuuray sanadii 2001 kadib markii ay Maraykanka iyo xulufadiisa ay ku duuleen wadankaasi iyaga oo sheegay in ay doonayeen Usama Bin ladino oo sida ay sheegeen ay aamin sanyihiin in uu ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxyadii magaalada New York ee wadanka Maraykanka.

Dagaal yananka Daalibaanka masuuliyiin u hadlay waxaa ay marar hore ka dhawaajiyeen in aanay diyaar u ahayn wadahadal ay la galaan dowlada Xaamid Karzai.

Maalmihi aynu soo dhaafnay Daalibaanku waxaa ay dardar galiyeen dagaalada ay ku qaadayaan ciidamada Afganistan iyo kuwa shisheeye ee wadankaasi.

Ciidamada Maraykanka oo kaliya ayaa asbuucyadii aynu soo dhaafnay waxaa kaga dhintay Koonfurta Afganistan Askar ilaa 30 lagu qiyaasay,waxaana dilkooda uu qayb ka ahaa wacadkii ay horay daalibaanku ugu qaadeen in ay waxyeelo ugu gaysanayaan xiligan ciidamadaasi.

Readers Comments (0)

Comments are closed.