Shirbalaadhan oo ka dhacay magaalada Helesinki ee Xarunta Dalka Finland ayaa looga wada hadlayay sidii Ubadka Soomaaliyeed wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka soo food saari kara iyo midka hada haysta taasoo ay soo qaban qaabiyeen Haween Soomaaliyeed oo degan magaalada Helesinki ee Xarunta Dalka Finland .
kuwaasoo ay umuuqatay dhibaatada haatan haysata dhalaanka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Finland iyo sida ay uga hurdaan aabayaasha Soomaaliyeed iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ubadka dhalay Tanina waxay noqonaysaa bilow runtii aad uwanaagsan waxaana Goobta isugu yimid Masuuliyiin ka socoto Dalkan Finland oo uu kamid ahaa Maamule iskuul iyo macalimiin kasocotay Dugsiyada Magaalada Helsinki iyo Macalimiin Soomaali ah oo ka socotay Dugsiyada Dalkan Finland gaar ahaan
Magaalooyinka Vaanta iyo Helesinki, iyo Madaxa ajaanibta dhalinyarada danbiyada gasha iyo qaybta waxbarashada ee Magaalada Helesinki Muqtaar maxamed Abiib.
runtiina waxa uu ahaa barnaamij aad uxiisa badan oo dadkii ka soo qaybgalayna ay aad ubadnaayeen ayna dhamaantood isla qireen in loo baahnaa waxaase iswaydiin leh arintani ma waxay noqondoontaa wax layska sameeyey mise wax mira dhal ah
Inkastoo aan ka soo daahay shirka ayaa hadana runtii wax sidaasi ah ima aysan dhaafin marka laga reebo Maamulayaashii iyo macalimiintii Finishka hadalkoodi laakiin warbixinta inteedi kale oo dhagaysi ahna halkan Ka bogo:-

Podcast: Play in new window