Ciidamada Kenya oo fariisimo ka sameystay Qooqaani

Updated About:183 days ago

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in fariisimooyin ay ka sameysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milatariga dowladda Kenya oo ku sugnaa degmada Dhoobley iyo deegaanka Taabto ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi ay kasoo dhaq dhaqaaqeen, fariisimooyin hor lehna ay ka sameysteen deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Kenya oo wata gawaarida gaashaaman ee dagaalka ah ayaa fariisimooyin farabadan ka sameystay deegaanka Qooqaani iyo duleedyadeeda, iyagoo halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan sida ay warbaaahinta gudaha ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay qab qabteen dhalinyaro ku sugneyd deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose kuwaasi oo aan tiradoodu la’ogayn inkastoo arintaasi ay walaac xoogan ka muujiyeen dadka ku sugan deegaankaasi oo ka baqdin inay xir xiraan Ciidamada Milatariga Kenya.

Xadka dalka Kenya uu la wadaago Soomaaliya ayaa lagu soo warinayaa inay kasoo amba baxeen Ciidamo badan oo ka tirsan Kenya kuwaasi oo iyana la tibaaxay inay kusoo wajahan yihiin deegaanada gobolka Jubbada hoose oo ay dhaq dhaqaaq xoogan ka wadaan Ciidamadaasi.

Bartamihii bishii October ayaa boqolaalo ciidan oo ka tirsan dowladda Kenya waxa ay gudaha usoo galeen Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka hortagayaan dhibaatooyin ay tilmaameen in Xadka dalkaasi ay ku hayaan kooxo qaswadayaal ah, waxaana xusid mudan in Madaxda ugu sar sareysa Kenya ay shaaciyeen inay burburin doonaan Xarakada Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen dhibaatooyinkaasi.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.