Dagaal mudo saacado ah socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Mucaskarka Raaskaambooni oo garab militari ka helaya kuwa Kenya iyo xarakada Al Shabaab ayaa caawa maqribkii ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose.
Sida warbaahinta Gudaha ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah dagaalka, ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo deegaanka Kulbiyow ee duleedka degmada Dhoobley ay ku lahaayeen ciidamada Raaskaambooni iyo kuwa Kenya.
Ciidamada Kenya ee weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ahaayeen ciidamo shalay soo gaaray gobolka J/hoose, waxaana la sheegay weerarkaasi kadib in dagaal culus uu halkaasi ka qarxay iyadoo dagaalkaasina uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay 2 qof oo rayid ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka, iyadoo sidoo kale dadka deegaanku ay sheegayaan in ay jiraan qasaare dhaawacyo ah oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay ee ka kala tirsanaa Raaskaambooni, Ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabaab.
C/naasir Seeraar oo ah afhayeenka ciidamada Raaskaambooni oo warbaahinta guduhu ay la xariirtay ayaa waxa uu sheegay in weerar ay soo qaadeen Al Shabaab, balse waxa uu carabka ku dhuftay in ay iska difaaceen islamarkaana ay dib u celiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo duleedka degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in wali halkaasi xiisad dagaal ay ka jirto , iyadoo walina ay iska agdhowyihiin dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalkaani ayaa waxa uu daba socdaa dagaal maanta ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray deegaanka Buusaar ee duleedka degmada Ceel-waaq halkaasi oo uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.