Dagaalo xoogan oo qasaaro gaystay ayaa Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Kenya waxa uu ku dhexmaray deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.
Dagaal qaatay muddo hal saac oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa barqonimadii maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Buusaar oo 40-KM u jira degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
Wararka aan ka helayno dadka deegaanka ah oo ay la xiriireen waryayaasheena ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii weerar qorshaysan rag ka tirsan Al Shabaab ay ku qaadeen deegaankaasi oo ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah.
Rasaas iyo Madaafiic ay laba dhinac isku adeegsadeen muddadii uu dagaalka socday ayaa waxaa ay sababtay geerida 5-ruux iyo dhaawac inka badan 10-kale oo la sheegay inay ahaayeen dhinacyada dagaalamay.
Saraakiil u hadashay Maamulka Al Shabaab ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 8-deed askari oo ka kala tirsan Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Kenya halka 3-kale ay tilmaameen inay nolosha ku hayaan kuwaasi oo ay san carabaabin inay yihiin Ciidamada dowladda ama kuwa Kenya.
Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdi Kaliil ayaa war uu siiyay warbaahinta waxaa uu ku sheegay in dagaalka uu ka dhacay meel 15-KM u jirta Magaalada Baardheere halkaasi oo uu sheegay in Cidamada dowladda ay weerar ku qaadeen, isagoo xusay in dhankoodu uusan soo gaarin wax qasaaro ah, hase ahaatee ay qasaaro xoogan gaarsiiyeen Ciidamada Al Shabaab.
Dagaalkaani ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dagaalo todobaadyadii u dambeeyay labada dhinac ku dhexmarayay degmada Ceel-waaq iyo duleedkeeda kuwaasi oo labada dhinacba ay qasaaro kasoo gaareen, iyadoo aysan jirin war ka madaxbanaan dowladda iyo Al Shabaab oo xaqiijinaya wax ka jira guulaha ay sheeganayaan