Dagaalo geystey khasaare baaxad leh oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira ayaa galabta ka dhacay deegaano hoos taga degmada Rako ee gobolka Karkaar.
Dagaaladan oo daba socdo kuwo 48-dii saac ee lasoo dhaafay halkaas ku dhex maray mileeshiyooyin hubeysan oo ku kala abtirsada labo beelood oo deegaankaas ku wada dhaqan ayaa lagu soo waramayaa in ay bilowdeen galabta haseyeeshee markii uu gabalku dhacay ay iskood u joogsadeen.
Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiquraan Maxamed Aadan oo caawa u waramay Barnaamijka Dhacdooyinka ee ka baxa Idaacada Horseed Media ayaa sheegay in khasaaraha dagaaladaas ka dhashay uu yahay mid aad u badan dad tiradoodu 10 kor u dhaafaysaana ay ku geeriyoodeen tira intaas ka badanna ay dhaawacyo soo gaareen.
Mudane Cabdiquraan ayaa sidoo kale Horseed Media u xaqiijiyey in Isbitaalka weyn ee degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar lasoo gaarsiiyey dhaawaca 10 qof oo ka kala tirsan dhinacyadii ay galabta dirirtu ku dhex martay duleedka degmada Rako.
Wuxuuna sidoo kale sheegay in xiligan aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dadka dagaaladaas ay waxyeeladu kasoo gaartey maadaama ay xilli habeen ah tahay goobihii uu dagaalku ka dhacayna ay labadii dhinac ee iska hor imaadku dhex maray isku hor fadhiyaan.
Cabdiquraan Maxamed Aadan oo ah Gudoomiyaha gobolka Karkaar oo deegaanada ay dagaaladaasi ka dhacayaani hoos tagaan ayaa sheegay in wax ka qabashada arintaasi ay tahay mid maamulka gobolku aanu awoodin wuxuuna ugu baaqay dowlada iyo waxgaradka kale ee reer Puntland in ay si deg deg ah usoo gurmadaan si dhibaatada halkaas ka jirta wax looga qabto.
Dhinaca kale wuxuu fariin culus u diray Ergooyin labadaas beelood ee coolaadu ka dhex aloosan tahay ka tirsan oo magaalada Boosaaso mudooyinkii u danbeeyey ka wadey dadaalo nabadeed oo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa heshiisna looga gaari lahaa dhibaatooyin horay u kala gaaray dad xoolo dhaqato u badan oo horay deegaanada hadda dagaaladu kasoo cusboonaadeen isugu diriray kadib markii muran daaqa iyo biyaha la xiriiraa uu ka dhex kacay.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka galabta ka dhacay duleedka degmada Rako oo ah kii ugu ba’naa ee in mudo ah halkaas ka dhaca ayaa daba socda dagaalo goos goos ah oo horay labo beelood oo walaala ah deegaanadaas ugu dhex maray waxaana jira warar iskhilaafsan oo laga helayo degmada Rako oo ku aadan tirada dadka dagaalkaas ku geeriyoodey.
Horayna waxaa sidii arintan xal looga gaari lahaa isugu howlay waxgarad, Culimaa’uddiin , iyo Isimo kasoo jeeda labada dhinac oo kaashanaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Puntland oo uu ku jiro Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Cabdilaahi Axmed Jaamac , waxayna dagaaladani imanayaan xilli magaalada Boosaaso ay gogol nabadeedi ugu fidsan tahay waxgaradka labadaas beelood oo iyagu dadaal ugu jira sidii dhibaatadaas xal kama danbays ah looga gaari lahaa.
Xigasho Horseed Media