Diyaarado joog hoose ku duulaya ayaa caawa waxa ay qal qal galiyeen shacabka ku nool deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay gacanta ku hayeen xarakada Al Shaaab.
Labo diyaaradood oo nooca dagaalka ayaa lagu arkey caawa hawada sare ee deegaanka Ceelahsa biyaha halkaasi oo guryo iyo saldhiyo ay ku leeyihiin masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xarakada Al Shabaab.
Diyaaraduhu joog hoose ayay ku socdeen, cabsi iyo wal wal farabadan ayay nagu beereen, dadka caawa cabsi ayay ku joogaan, xaafadaha ayaa laga soo wada baxay ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.
Ilaa iyo hadda lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha iyo sidoo kale waxyaabaha ay damacsanyihiin, waxaana la tilmaamay in diyaar garow ay geleen ciidamadii Al Shabaab ee kusugnaa deegaanka Ceelasha biyaha.
Jawiga ayaa haatan waxa uu yahay mid degan inkastoo wali dadka dhegahoodu ay kor u taaganyihiin, waxaana shacabku ay ka baqdin qabaa in diyaaradah weeraro dhinaca cirka ay ka geystaan deegaanka Ceelasha biyaha