Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Uganda ayaa ku heshiiyay la dagaalanka Al Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku yihiin gobolka geeska Afrika.
Kadib kulan saacado badan qaatay oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee dalka Kenya, una dhaxeeyay Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya, Uganda iyo Kenya ayaa waxa ay si wada jir ah ugu heshiiyeen la dagaalanka iyo burburinta Xarakada Al Shabaab.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Kenya Mosas Watangula oo kulankaasi kadib la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in 3-da Madaxweyne ay isku afgarteen in Al Shabaab laga ciribtiro geeska Afrika si looga shaqeeyo xasiloonada iyo nabadda dalka Soomaaliya.
Mosas Watungula ayaa cadeeyay in tani ay tahay fursad wanaagsan oo loogu adkaan karo waxa uu ugu yeeray aargigixisada oo uu ula jeeday Al Shabaab, isagoo sheegay in heshiiska ay gaareen Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmd, Mwai Kibaki, iyo Yoweri Museveni uu yahay mid taariikhi ah.
Saraakiil u dhow dhow aqalka Madaxtooyada ee dalka Kenya ayaa sheegay in heshiiskaani sidoo kale lagu dar dargalinayo sidii 3-da wadan ay ula dagaalami lahaayeen Al Shabaab, iyadoo la tilmaamay in heshiiskaani uu udub dhexaad u yahay soo celinta xasiiloonida iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya.
Waa kulankii ugu horeeyay oo ay yeesheen 3-da Madaxweyne tan iyo markii uu Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmd uu sheegay in shacabka iyo dowladda aysan qanacsaneen soo galitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya inkastoo heshiiskaani uu u muuqdo mid lagu dhameeyay mad madowgii soo kala dhexgalay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.