Dowladda Kenya ayaa ka dalbatay dowladda Maraykanka inay ku garab siiyaan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.
Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Macharia Kamau oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in dowladdiisa ay taageero dhinac waliba ah weydiisatay dowladda Maraykanka oo ku aadan dagaalka ay ciidamada Kenya kula jiraan Xarakadda Al Shabaab.
Safiirka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay aad u jeclaan laheyd inay taageero ka hesho Maraykanka iyo beesha caalamka si Kenya ay u noqoto meel nabdoon oo ay reer galbeedkana danaha ay ka leeyihiin dalkeeda ugu nabad galaan.
Mr.Kamau ayaa la kulmay qaar ka tirsan madaxda dalka Maraykanka gaar ahaan senetaro ku jira xisbiga dimuqaraadiga oo uu ka mid yihiin Keith Ellison, waxaan uu kala hadlay qatarta Al Shabaab ee gobolka geeska afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa la Shabaab.
Ugu dambeyn ayaa Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxa uu kala hadlay dowladda Maraykanka sidii loo joojin lahaa dhalinyarada jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku biira Al Shabaab islamarkaan u safra dalka Soomaaliya sidii ay ugu garab dagaalami lahaayeen Shabaab.