Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Wafdigaan oo uu hogaaminayay Xiriiriyaha howlaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay Mak Bowden ayaa waxaa la socday ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Cristian Manahl, iyadoo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay kusoo dhaweeyeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Wafdiga ayaa intaasi kadib waxa ay gaareen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas kuwaasi oo ay kawada hadleen xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo sidii loo caawin lahaa dadka abaaraha ugu soo barakacay gobolada dalka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid saxaafaddu ay banaanka ka joogtay ayaa wax uu ahaa mid xasaasi ah islamarkaana Mas’uuliyiintaasi ay kaga hadleen xaaladaha bini’aadannimo ee Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa dadka iminka ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho.
Markii Mas’uuliyintaasi kulankoodu uu soo idlaado ayaa la filayaa in Wafdiga ay dib ugu laabtaan Magaalada Nirobi ee Xarunta dalka Kenya halkaasi oo markii horeba ay kasoo amba badxeen.