Wariye Mahad Cabdi Cali oo dib xoriyadii u halay Caawa

Updated About:183 days ago

Labo maal-mood ka dib waxaa dib xoriyadiisii u helay wariye Mahad Cabdi Cali oo ka tirsan Tv-Somalichanal xaruntiisa magaalada Garoowe ,waxaana habeen saq dhexe ah laga kaxaystay guriga uu ka degan yahay magaalada Garoowe .

Markii lasoo daayay caawa ayaa waxaa ii suurta gashay inaan warayso sababta ka danbaysay in gurigiisa laga kaxayso habeen seq dhexe ah wuxuuna iisheegay inuusan aqoon sababtaasi ,balse loo sheegay in lagu hayso amar diido shaqo .

Xariga wariyahaani ka tirsan Somalichanal ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii bishaan kowdeeda wareegto kasoo baxday dowlada Puntland shaqadda looga joojiyay Tv-yadda Somalichanal iyo Unaversal, ka dibna ay kasoo dabo baxday warqad dagniin ah oo loo jeedinayo Somalichanal inay shaqadda si hoose u wataan ayna joojiyaan .

Isku soo wadda duuboo wariye mahad ayaa si dabiin ah magaalada Garoowe imika u jooga waxaana soo dabiintay sarakiil ka tirsan Ururka saxafiyiinta Puntland ee PAP.

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.