Gudoomiyihii hore ee barlamanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe) oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xil ka qaadistii dhawaan Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ay ku sameeyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu tilmaamay in xil ka qaadistaasi ay tahay mid sharci ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Xildhibaanadii kulanka ku yeeshay Muqdisho tira ahaan ay u dhamaayeen koramka loogu tala galay in ay ku furmaan fadhiyada barlamanka.
Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku adkeysto in uu wali yahay Gudoomiyaha barlamanka KMG, waxaana uu tibaaxay in beesha looga baahan yahay in ay aqbasho xil ka qaasita Shariif Xasan.
Gudoomiyihii hore ee barlamanka KMG ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay qeyb ka tahay howlaha dib u habeynta barlamanka KMG Soomaaliya.
Aadan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay xili uu ka hadlayey heshiiskii Kampala in ay ku jiraan qodobo suuratagal ka dhigi kara in mowshin laga keeno Madaxda dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in Shariif Xasan uu qabtay mid ka mid ah qodobadaasi.