Afayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo u digay Jabuuti

Published on December 17, 2011 by   ·   No Comments

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab,  Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo saxaafada la hadlay ayaa uga digay dowlada Jabuuti inay ciidamaeeda u soo dirto dalka Soomaaliya.
Cali Dheere oo hanjabay dowlada Jabuuti
Cali dheere ayaa sheegay haddii ciidamada Jabuuti ay ka mid noqdaan kuwa AMISOM inay la kulmayaan wixii ay horay u la kulmeen kuwii iyaga ka horeeyey ,ayna la kulmo doonaan  cawaaqub xumo.
Afhayeenku wuxuu sheegay in dowlada Jabuuti ay awal sheegan jirtay inay dhex dhexaad ka tahay arimaha soomaaliya, laakiinse ay hadda ay cadaysatay inay la soo saftaan cadowda Islaamka, isla markaasna ay diyaaradaha dagaalka ee reer galbeedka ay ka soo duulaan dalka Jabuuti.
Cali Dheere ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada AMISOM , wuxuuna intaas ku daray inay xoojindoonaan ciidamadooda ayna ka guulaysan doonaan kuwa kusoo duulay soomaaliya, ayna shareecada Islaamka ku ballaarin doonaan dalka.
Hanjabaada Cali Dheere ee ku aadan dalka Jabuuti,  ayaa imaanaysa kaddib markii ay dowlada Jabuuti ay shaacisay inay ciiadamadeeda u soo dirayso dalka soomaaliya, si ay uga qayb qaataan howlgalada ciidamada AMISOM.

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.