Al Shabab oo dagaalyahanadooda ugu baaqay in ay qasaan shirka lagu wado inuu ka furmo Garoowe

Updated About:150 days ago

Xarakada AL Shabab ayaa ugu baaqday dagaalyahanada ka jooga Puntland in ay carqaladeeyaan oo ay weeraraan shirka lagu wado in uu ka furmo magaalada Garoowe.

 

Sarkaal ka mid ah maamulka Al Shabab ee gobolka Shabeelaha Hoose oo lagu magacaabo Macalin Xaanshi ayaa ku amray dagaalyahano uu sheegay in ay u joogaan gobolada Puntland in ay u howlgalaan sidii ay falal qas iyo carqaladeyn ah ka geystaan magaalada Garoowe ee Xarunta u ah Maamulka Putland.

 

Shirka wadatashiga Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in wajigiisa labaad uu ka furmo 20-ka bishaan magaalada Garoowe, halkaasi oo ay isugu tagi doonaan madaxda dowlada, maamul goboleedyada, Ahlu Suna iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

 

Shirkaas oo in muda ah ba la saadaalinayay inuu ka dhaco Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Putland.

 

 

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.