ALLA ha u naxariistee wariye Cabdisalan Xiis oo galabta lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi

Updated About:150 days ago

Wariye C/sakaam Sheekh Xasan (Xiis) oo shalay galab lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee degmada Wardhiigleey.

 

Marxuumka waxaa saalada Casir kadib lagula tukaday salaada Janaasada lagu tukaday masaajidka Isbaheysiga Islaamka kadibna waxaa loo galbiyey qabuuraha Sheekh Suufi ee degmada Wardhiigleey.

 

Aska Xiis waxaa ka qeybgalay boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray, xildhibaano, wariyaal iyo qeybaha kala duwan ee dadweynaha.

 

Safaxiyiin isugu jiray hablo iyo wiilal oo madaxa uga xirnaa miif guduudan oo ay ku muujinayeen dhiigi laga daadiyey Xiis ayaa goobta ku sugnaa waxaana wajiyadooda laga dheehan karay sida ay uga tiiraanyeeysnaayeen geerida wariyaha.

 

Wariyaasha waxay ka dalbadeen ciidamada amaanka ee dowlada KMG Soomaaliya in ay cadaalada hor keenaan askarigi ka danbeeyey dilka.

 

Afhayeenka xukumada Soomaaliya, C/raxmaan Yariisoow ayaa balan qaaday in dowlada KMG Soomaaliya ay baari doonto dilka wariyaha isaga oo intaasi ku daray in ay hor keeni doonaan cadaalada qofki dilay.

 

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya oo inta aanu ka amba bixin maanta magaalada Muqdisho la hadlay warbaahinta ayaa uga tacsiyeeyey dadka Soomaaliyeed dilka wariye C/salaan Xiis isla markaana cambaareeyey.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.