Magaalada Gararowe ee xarunta dowladda Puntland waxaa maantey duhurkii soo gaarey wafti ka kooban 15 oo isugu jira Dhakhaatiir qaliimada dadka farfaruuran, suuxiyeyaal iyo kalkaaliyeyaal caafimaad kuwaas oo u yimid Garowe sidii ay hawlgal caafimaad oo lacag la’aan ah ugu fidin lahaayeen dadka ku dhashay iyaga oo faruuran.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Xirsi Ducaale, Agaasimaha guud Dr. C/risaaq Xirsi Xasan iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ayaa waftiga dhakhaatiirta si weyn ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garowe halkaas oo ay waftigu kasoo dageen. Salaan iyo soo dhaweyn kadib waxaa waftiga loosoo galbiyey xarunta wasaaradda caafimaadka waxaana si diiran halkaas ugu soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Cali C/laahi Warsame.
Wasiir Cali C/laahi ayaa waftiga kulan kula qaatey xafiiskiisa isagoo halkaasna uga soo jeediyey hadal soo dhaweyn ah iyo isagoo wasiirku uga warbixiye sida loogu diyaar garoobay iyo shaqada u taal inta ay leeg tahay. wasiirku waxa uu intaas hadalka ku daray in waftigan waxtarkoodu yahay mid muuqda lana dareemay hawlgalkii hore wixii ay qabteen iyadoo uu uga mahadceliyey wasiirku imaatinkooda oo ay meelo fog fog ka yimaadeen.
Dhakhtarka waftigan hogaaminayay ayaa soo dhaweynta iyo martigalintaba ka mahadceliyey wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin inay walaalahooda Soomaaliyeed caawiyaan oo dadka bulshada dhexdeeda cuqdada uga maqan ay jecel yihiin inay kusoo dhexdaran bulshada oo aysan ka faquuqmin, dhakhtarku wuxuu sheegay inay dhakhaatiirtoodu yihiin Afrikan gaar ahaan wadamada Kenya iyo Jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Kongo.
Dhakhaatiirtu waxay durba galabta bilaabeen hawshoodii shaqo iyadoo shaqada galabta ilaa caawa ay wadayaan tahay mid ay ku ogaanayaan dadka sugaya oo ay ku qaabilayaan iyadoo qof walba iyo shaqada uu u baahan yahay iyo in qaliin lagu samayn karaba ay ogaanayaan waxaana ka mid ah waxa ay ogaanayaan xanuunada ay dadku qabaan iyo miisaankoodu inta uu leeg yahay iyo in lasuuxin karo caruurta caafimaad ahaan.
Waa doorkii labaad oo ay dhakhaatiirtani qaabilsan qaliimada dadka farfaruuran ay dalka yimadaan waxayna horey u yimaadeen bishii October ee sanadkan waa 2 bilood muddo laga joogo, hadana waxay bilaabeen wareegii labaad ee hawlgakooda caafimaad oo ay balanqaadeen markii ay shaqadii hore waqtigeedu ka dhamaadey dhakhaatiirtu waxay codsadeen in dadkii horey ay uga balameen ee waqtigu u saamixi waayay inay wax u qabtaan in loosoo hormarsho oo ay iyagu yihiin kuwa xaqa koowaad leh.