Galmudug oo soo dhoweysey shirkii wadatashiga ee Garoowe lagu soo

Updated About:142 days ago

Madaxweynaha maamul goboleed Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo  ee xarunta maamulka Galmudug.

 

Shirkan jaraa’id ee uu maanta qabtay madaxweyne caalin ayaa waxaa uu uga hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay israsaaseyn habeenkii Sabtida ay dad badan ku dhinteen iyo taageero dawlada galmudug ay taageerayso shirkii wadatashiga ee dhawaan ku soo gabgaboobey magaalada garoowe ee caasimada dawlada puntland

 

Madaxweyne caalin ayaa ugu horaytii tacsi u diray dhamaan eheladii ay dadku kaga geeriyoodeen israsaaseyntii habeenkii sabtida ku dhexmartay ciidamada amniga maamulka galmudug iyo meleeshiyo beeleed ku sugan Koonfurta magaalada gaalkacyo.

 

Sidoo kale madaxweyne caalin ayaa soo hadal qaaday Dagaalada u dhaxeeya dadka reer guuraaga ee ka soo kala jeeda maamulada galmudug iyo puntland waxaana uu sheegay in ay kala hadleen maamulka puntland joojinta shaqaaqooyinkaas u dhaxeeya dadka reer miyiga ah ee wada daga gobolka mudug.

 

Mr Caalin waxaa kaloo uu ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada garoowe ee caasimada puntland isagoo sheegay in shirkaas ay ka soo baxeen qodobo dhaxal gal ah oo horumar u horseedi kara dhamaan umada soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan .

 

Madaxweynaha maamul goboleedka galmudug ayaa ugu danbaytii ugu baaqay shacabka galmudug in ay ka shaqeeyaan amniga iyo jiraanka maamulka isla markaana ay la shaqeeyaan maamulkiisa uu mudooyinkii danbe waday hawlagalo lagu sugaayo amniga koonfurta gaalkacyo

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.