Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19/12/2011 lagu dhawaaqay geerida hogaamiyihii dalka Kuuriyada waqooyi Kim-Jong-Il oo isagu talada dalkaas soo hayey tan iyo sanadkii 1994 kadib markii uu xilka madaxweyne nimada kala wareegay aabihiis oo isagu horay dalkaas uga arimin jirey.
Kim Jong Il ayaa geeriyoodey maalin nimadii sabtida ahayd ee ay taariikhdu ku beegnayd 17/12/2011, waxayna geeridiisu noqotay mid ay aad uga murugoodeen guud ahaan dadka Kuuriyada-waqooyi oo iyaga wejiyadooda laga dheehan karay dareen murugo iyo naxdin xambaarsan kaas oo ka turjumaya sida ay uga xun yihiin geerida hogaamiyihii dalkooda soo xukumayey mudada 17-kii sano ee ugu danbeeyey.
Dhinaca kale geerida Kim Jon Il ayaa ah mid ay siyaabo kala duwan uga hadleen dalalka Siyaasadiisa dhaliili jirey sida Maraykanka, Japan, iyo dalka ay kuuriyada-waqooyi jaarka yihiin colaada sokeeye ee mudada socoteyna ay dhex martay ee Kuuriyada-koonfureed.
Geerida hogaamiyahaas ayaa timid kadib markii uu wadnuhu istaagey xilli uu kormeer hawleed ku jirey waxayna da’diisu markii uu geeriyooonayey ahayd 69-sanadood,ayaamaha soo fool leh ayaana la filayaa in magaalada caasimada ah ee Pyongyang aas qaran loogu sameeyo.
Dhalashada iyo barbaarida
Kim Jong Il wuxuu ku dhashay 16/2/1942 meel aan si rasmi ah loo garan karin oo ku taala dusha sare ee buurta caanka ah ee Bikdu halkaas oo ay farsiimo ciidan ku lahaayeen ciidamo falaago ah oo uu aabihii Jong Il xiligaas hogaamiye u ahaa, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Kim Jong Il uu ku dhashay dalkii horay loo oran jirey midowga Soofiyeeti xilli aabhiis iyo hooyadiis ay dalkaa tababar ciidan u tageen.
Waxbarashadiisa
Kim Jong Il wuxuu ahaa nin dhinaca waxbarashada aad ugu dadaali jirey isagoo intii uu ku jirey dugsiga dhexe noqday farsamo yaqaan xariif ah oo ka shaqeyn jirey mid kamid ah Wershadaha dalkaas islamarkaana noqday nin ku caan baxay cilad bixinta gawaarida waaweyn iyo Matoorada.
Haseyeeshee markii uu soo gaaray heerka jaamacadeed ee waxbarashada wuxuu si xeel dheer u bartay siyaasadii shuuciyada ku dhisnayd ee uu aabihiis dejiyey taas oo ahayd waxa keliya ee xiligaas la gudbooneyd inuu barto.
Waxyaabaha uu gaarka la ahaa
Mar Il wuxuu aad caan ugu ahaa qaabka uu timaha u jarto iyo weliba qaabka uu u shanleysto, sidoo kale wuxuu caan ku ahaa noocyada kabaha iyo dharka uu xirto, wuxuuna kamid ahaa madaxda Caalamka ee aadka dhaqamadooda gaarka ah loola yaabo.
Kim ma ahayn nin inta badan goobaha fagaarayaasha ah lagu arko sida Madaxda kale ee dunida mana ahayn nin safaro badan dalkiisa hooyo dibada ugaga bixi jirey, sidoo kale ma jirto cid si dhab ah uga warami karta noloshiisii gaar ahaaneed maadaama aanay jirin cid xogihiisa khaaska ah ogaan kartey.
Bilowgiisii Siyaasada
Kadib markii uu jaamacadda ka qalin jabiyey Kim waxa uu ku biiray Xisbigii shaqaalaha ee dalka waqooyiga Kuuriya xiligaas xukumayey oo uu aabihiisna hogaamiye u ahaa wuxuuna sanadkii 1973-dii noqday xoghayaha guud ee xisbiga iyo Mas’uulka u qaabilsan dhinaca dacaayadda intaas kadibna aabihiis ayaa u caleema saaray inuu noqda qofka isaga bedeli doona sanadkii 1974.
Wixii xiligaas ka danbeeyey awooda uu Jong ku dhex leeyahay Xisbigu waxay ahayd mid marba marka ka danbeysa sii xoogeysaneysey wuxuuna durbadiiba qabtay xilal sar sare oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska siyaasada iyo arimaha Mileteriga ee xisbiga oo uu noqday sanadkii 1980-kii.
Dhinaca kale xeel dheereyaasha sirdoonka ee dunidu waxay Kim Jong Il ku tilmaamaan inuu yahay maskaxdii ka danbeysey qarax ka dhacay dalka Myanmar 1983-dii oo ay ku dhinteen 17 sarkaal oo ka tirsan ciidamada dalka Kuuriyada koofureed iyo weliba qarax sanadkii 1988-dii lala eegtay diyaarad isla dalkaas laga leeyahay oo ay ku dhinteen dad tiradoodu 115 qof ahayd.
Nuclearka waqooyiga Kuuriya
Dalal badan oo reer galbeed ah oo uu Maraykankuna qayb ka yahay ayaa aad uga wal walsan haysashada dalka waqooyiga Kuuriya uu hubkaasi gacanta ugu jiro arintaas oo ay u arkaan khatar weyn oo caalamka oo dhan ku wajahan.
Haseyeeshee Kim Jong Il ayaa waayihii uu noolaa laga maqlay war ahaa in isaga aabihiis uu ku taami jirey in uu ka tago Kuuriyada waqooyi oo bilaa Nuclear ah, si riyada aabihiis uu u rumeeyana uu garowsaday in uu go’aankaas gaaro marka ay Maraykanka iyo dalalka kale ee arintaas ka biya diidsani si xushamad leh ula xaajoodaan.
Dhaxalka Madaxtooyada
Jogn oo sida lawada ogsoonyahay xilka qabtay kadib markii aabhiis oo isaga horay ugu dardaarmay uu geeriyoodey ayaa isna la rumeysan yahay in uu isna xilka u dardaarmay kan ugu yar wiilashiisa oo lagu magacaabo Kim Jong Un
Mr Un oo ah nin dhalinyaro ah da’diisuna aanay dhowr iyo labaatan ka weyneyn ayaan la garan karin sida ay ugu suurta geleyso inuu qabto jagadii uu aabihiis ka tegey iyo weliba sida ay dadka Siyaada reer Il dhaliilaa u arkayaan.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir
Xigasho:Horseed Media