Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu horkacayo oo Garoowe soo gaarey

Updated About:150 days ago

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu horkacayo ayaa galabta kasoo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada madaxda Puntland ee Garoowe.

 

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda ugu sareysa Puntalnd oo uu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole hor kacayo, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada, iyo dadweyne boqolaal qof gaarayey kuwaas oo dhamaantood garoonka yimi saacado kahor intii aanay wefdiga Shiriifku Garoowe soo gaarin.

 

Intii aan wefdigaas loo gelbin halka loogu tala galay in ay degaan ayaa waxaa si wadajir ah ay labada madaxweyne salaan sharaf uga qaateen Baambeyda iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland.

 

Waxayna labada Mas’uul si kooban Saxaafadda ugula hadleen gudaha Garoonka hadalkana waxaa ku horeeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole wuxuuna sheegay in wefdiga madaxweynaha Soomaaliya uu horkacayo la sugayey si ay uga qayb qaataan shirka wadatashiga ee dhowaan magaalada Garoowe ka furmaya.

 

 

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif oo intaas kadib isagu hadalka qaatay ayaa uga mahad celiyey madaxda iyo shacabka Puntland sida qiimaha badan ee ay usoo dhoweeyeen isagoo xusay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu magaalada Garoowe kusoo gaarey.

 

Mudane Shariif wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in shirka Garoowe ka furmi doonaa uu yahay fursadii ay Soomaali dib ugu midoobi lahayd horumar iyo baraarena ay ku gaari lahayd, wuxuuna intaas raaciyey in wufuuda dowlada KMG ah uga qayb gelaya shirkaasi ay maalinta beri ah soo dhamays tirmi doonaan.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.