Maxkamad ku taala dalka Maraykanka oo Burcad badeed Soomaali ah xukun ku ridey

Updated About:153 days ago

Maxkamad ku taala gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayaa xabsi daa’im ku xukuntay labo nin oo Burcad badeeda Soomaalida ka tirsan kadib markii lagu helay denbi lagu soo eedeeyey oo ah dilka Afar qof oo Maraykan ahaa kuwaas oo bishii 1-aad ee sanadkan ay Burcad badeeda Soomaalidu afduubteen.

 

Maxamuud Xirsi Ciise Cali oo lagu naaneyso ( Sanadaaq) da’diisuna ay 32-jir tahay iyo  Jaylaani Cabdiweli (ilka Case) oo isna farsamo yaqaan Koronto ahaa ayaa lagu soo eedeeyey inay qayb ka ahaayeen 19-nin oo Burcad badeed ah oo meel u dhow xeebaha dalka Cumaan kasoo afduubtay Markab nooca dalxiiska ah oo ay 4 qof oo muwaadiniin Maraykan ahi la socdeen.

 

Dadkaas Maraykanka ahaa oo madaxfurasho ahaan loo qabsaday lalana soo aadey dhinaca dalka Soomaaliya ayaa markii danbe kooxdii Burcad badeeda ahaa ee gacanta ku dhiay ay toogasho ku dileen kadib markii uu goobta soo gaarey Markab dagaal oo ay ciidadma bada ee dalka Maraykanku leeyihiin.

 

4-taas qof ee ay Burcad badeedu dileena waxaa lagu kala magacaabi jirey Jean iyo Scott Adam oo iyagu ahaa labo qof oo fidinayey diinta Masiixiga iyo labo qof oo kale oo socdaalkooda ku weheliyey oo iyagu kala ahaa Bob Riggle iyo Phyllis Macay.

 

Dhacdada xukunka labadan nin lagu ridey lala xiriirinayo oo ahayd tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee tiro intaas le’eg oo dad Maraykan ah ay Burcad badeedu ku layaan ayaa dhacday horaantii sanadkan hada sii dhamaanaya ee 2011-ka.

 

Waxaana horay xukun kan dhigiisa ah oo madaxaa haku furto ah loogu ridey 7-nin oo Burcad badeed ahaa oo labada shalay la xukumey ay ku jireen iyadoo sidoo kale maanta labo kale la xukumi doono.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.