Midowga Yurub oo digniin u jeediyay barlamanka Soomaaliya

Published on December 17, 2011 by   ·   No Comments

Midowga Yurub ayaa waxa uu uga digay Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya in ay sii wadaan khilaafka u dhaxeeya, oo uu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo.

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobe ee caasimada dalka Kenya ayaa waxa looga digay xilibanada barlamaanka dowlada KMG Soomaaliya in uu sii socdo qilaafka u dhaxeeya,  iyadoo warka lagu sheegay in uu Ururka uu ka warhayo in Xilibaanada ay xil ka qaadis ku sameeyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

 

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in  Ururka Midowga Yurub uu ka warqabo qilaafka soo kala dhaxgalay Xilibaanada barlamanka dowladda KMG Soomaaliya, waxaana loogu baaqay Xildhibaanada Soomaaliya in ay qilaafka joojiyaan tixgaliyaana heshiiskii Kampala kana shaqeeyaan xalka Soomaaliya.

 

 

Bayaanka kasoo baxay xafiiska Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dhinacyada dalka Soomaaliya ay dar dar galiyaan  Roadmapka.

 

 

Midowga Yurub waxa uu rajeynayaa in Hay’adaha dastuurka iyo mas’uuliyiinta Dowldda KMG ay dar dar galiyaan Qorsho howleedka RoadMapka kaasi oo xal u noqon kara dhibaatada 20-jirsatay ee dalka Soomaaliya” sidaa waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya.

 

 

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa waxa laga dalbaday  Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo Ururka goboleedka IGAD in ay Ergo u diraan magaalada Muqdisho si ay u soo qiimeeyaan xaaladda meesha ay mareyso.

 

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.