Wefdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland Cadbiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ay qayb ka yihiin Ra’iisul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Prof Cabdweli Maxamed Cali (Gaas), ku-xigeenkiisa, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka FKMG, iyo qaar kamid ah golaha wasiirada ee Puntland ayaa galabta soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wefdigan oo saaka kasoo ambabaxay magaala-madaxda Puntland ee Garoowe ayaa ku hakaday kulammana lasoo qaatay maamulada iyo dadweynaha ku dhaqan qaar kamid ah degmooyinka laamiga ku yaala ee ka tirsan gobolada Karkaar sida degmada Qardho ee gobolkaas xarunta u ah, iyo degmada Carmo oo iyaduna raacsan gobolka Bari.
Bulsho weynta degmada Qardho oo ugu horeyn ay wefdiga uu madaxweynuhu horkacayaa soo mareen ayaa si diiran u soo dhoweeyey waxayna mudadii ay halkaas ku sugnaayeen warbixino koo kooban ka dhegeysteen Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.
Intaas kadib waxa ay wefdigu usoo gudbeen dhinaca gobolka Bari waxayna in mudo ah joogeen degmada Carmo iyagoo khudbado koo kooban ka jeediyey kulliyadda tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Carmo halkaas oo munaasabad soo dhoweyn ah oo aad u balaarani ay ka dhacday.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali oo intii uu degmada Carmo ku sugnaa dadweynihii soo dhoweeyey si kooban ula hadlay ayaa uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen, wuxuuna ku booriyey inay sii balaariyaan horumarka ay gaareen oo uu Ra’iisul wasaaruhu tilmaamay inuu yahay mid aad u balaaran.
Kolonyadii gaadiidka ahayd ee gelbinayey wefdiga uu horkacayo madaxweynaha Puntland waxay intaas kadib usoo ruuqaan sadeen dhinaca degmada Boosaaso ee ah xarunta dhaqaalah iyo ganacsiga ee Puntland.
Waxaana meel magaalada aad uga durugsan kaga hor yimi boqolaal dadweyne ah oo ruxayey Caleemo qoyan , Calammo, iyo boorar ay ku qoran yihiin hal-kudhigyo soo dhoweyn ah oo ka turjumaya sida ay bulshada magaalada Boosaaso ku dhaqani ugu faraxsan yihiin booqashada ay wefdiga uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qaybta ka yahay magaaladooda kusoo gaareen.
Kumanaan dadweyne ah ayaa sidoo kale isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada dhex mara iyadoo ammaankuna uu ahaa mid aad loo adkeeyey,waxayna ku dhawaaqayeen erayo soo dhoweyn ah oo ay kamid ahaayeen: ” Soo dhowaada, Jaalayaaloow Soo dhowaada”
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa loo sii gelbiyey dhinaca madaxtooyada, mana jiro wax hadal ah oo ay mas’uuliyiintaasi jeediyeen kadib markii ay aqlka madaxtooyda gaareen , waxaase la filayaa saacadaha soo socda inay Shir jaraa’id qabtaan.