Qarax Qasaaro Geystay Oo Ciidamo Kenyan Ah Lagu Eegtay Dhadhaab

Published on December 19, 2011 by   ·   No Comments

Waxa goordhoweed qarax lagula eegtay xerada qaxootiga ee xagardheera gaari ay la socdeen ciidamo Kenyan ah.

 

Mid ka mid ah dadka qoxootiga ee ku dhaqan xerada ayaa u sheegay warbaahinta in ay arkeen hal askari oo dhintay iyo tiro ciidamo ah oo dhaawac halis ah kuwaasoo la socday gaariga la qarxiyay.

 

Ninkan oo diiday in loo adeegsado magaciisa warbaahinta waxa uu sidoo kale sheegay in gaariga gabi ahaantiis uu burburay.

 

Weerarkan ayaa ku soo beegmayaa iyadoo shaley afhayeenka Miltryga Kenya uu sheegay in heegan lagaliyay ciidamada si ay uga hortagaan weeraro ay geestaan Al-Shabaab kuwaas oo ku soo beegaya inta lagu gudajiro dabaaldagyada Kirismiska.

 

Kenya ayaa labo bil ka hor ciidan u dirtay koonfurta Soomaaliya si ula dagaalamaan Al-Shabaab kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay gudaha dalka Kenya ay ka soo afduubteen dad ajaaniib ah.

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.