Shabaab oo xukun dil ah ku filiyay nin ka tirsanaa ciidankooda

Updated About:142 days ago

Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa xukun dil ah ku fuliyay askari ka tirsanaa ciidankooda kaasi oo lagu eedeeyay  in magaalada Marka uu ku dilay qof rayid ahaa.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Al Shabaab ay magaaladaasi ku toogteen askari ka tirsanaa Al Shabaab kaasi oo lagu eedeeyay in uu horay degmadaasi ugu dilay qof rayid ah.

 

Ninka Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose ay Xukunka ku fuliyeen oo lagu magacaabayay Nuur Jaylaani Aadan ayaa waxaa la tilmaamay in ay gacanta kusoo dhigeen Al Shabaab kadibna maanta ay gacantooda ku dileen Ehelada wiilka laga dilay oo codsaday in xukun dil ah lagu fuliyo askari ka tirsanaa Al Shabaab.

 

Wakiilka Al Shabaab Sheekh Max’ed Abuu Cabdalla oo ka hadlay fagaarihii uu ka dhacay Xukunka dilka oo ay isugu soo baxeen boqolaal dad ah ayaa sheegay in ninkaani ka tirsanaa Shabaab ay xukunka ku fuliyeen markii ay Ehelada wiilka laga dilay ay codsadeen, isagoo sheegay in qofkii qof dilo la dili doono.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al Shabaab ay xukun dil ah ka fuliyaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Comments (0)

Leave a Commnet

You must be logged in to post a comment.