Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa ku tilmaamay shirki wadatashiga Soomaaliya ee lagu soo gaba gabeeyey magaalada Garoowe shir ay lacago ku cuneen dadki ka qeybgalay.
Sheekh Maxamed Yusug Xeegoow oo ah mas,uulka ugu sareeyo Ahlu Sunna dhanka Golaha Fulinta ayaa sheegay in Ahlu Sunna aysan aqoon saneyn mirihi kasoo baxay shirka oo uu ku tilmaamay mid lagu qiyaanay umada.
Sheekh Xeefoow ayaa sheegay in aysan wax dan ah ugu jirin umada Soomalaiyeed shirki Garoowe.
“Aadeer meesha waxa la isugu geeyey waxay ahaayeen been shirkaasi lagu qabtay Garoowe wax dan ah oo umada ugu jiro lama arko, waxaan kale oo aan kuu sheegayaa in anaga aanan nalgu casuumin cidnana aysan noogaga qeybgalin, waxaan kale oo aan dhihi karaa shirki Garoowe waxbaa lagu cuni rabay waanan lagu cunay,” sidaa waxaa yiri Mr Xeefoow.
Shirki ka dhacay magaalada Garoowe oo ay ka qeybgaleen dhinacyada siyaasada Soomaalida iyo maamulada jira ayaa qodobadi kasoo baxay waxa ugu muhiimsanaa in la sameeyo baarlamaan ka kooban 225 xildhibaan laguna soo xulo habka 4.5.