Wafdigaan oo ay ka mid ahayeen ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee qaramada midoway ee Somaliya Christain Manhal,
wakiilka midowga Afrika ee Somaliya Amb Borbaer Diara, Wakiilka Igad ee Somaliya Kirtuto Arab kiwra, iyo Safiirka Somaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameriko oo saaka ka soo dagay garoonka diyarahada ee Magaalada garowe kuwaas oo wada hadal la qaatay mudo sacado ah Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan maxamed Maxamuud Faroore isla markaasna kor meer ay ku sameyeen Goobaha shirka lagu wado in uu Garowe ka dhaco bishaan gudaheeda oo ay ka soo qaybgalayan qaybaha Somaliya iyo Xubno ma talaya beesha caalamka.
Marka kulankoodu uu soo dhamaday ayaa waxaa Si wada jira u qabtay Shir jaraa’id oo ay ku fahfahinayaan wada hadalada ay qaateen labada dhinac madaxwaynaha puntland C/raxmaan maxamed Maxamud Farole iyo Christal Manhal oo ah ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee somaliya
Madaxwayne Faroole oo ku hor maray hadalka ayaa kawaramay wada hadaladii ay qateen wafidgaan maanta soo garay garowe iyo waxaa ay ay isla meel dhigeen.
Faroole waaa kale uu ka hadlay in ay dib u dhaca shirka loo balan saanaa in uu ka dhaco Garowe oo ay ku lug leeyihiin waxa uu ku tilmamay khilafaadka soo kala dhex galay barlamaanka Somaliya
Ku xigeenka wakillka Gaarka ah ee qaramada midoway e Somaliya Chiristan Manhal oo isna dhinciisa hadlay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qabsoomida qariidada qorshaha kala guurka ee somaliya isagoo xusay in uu kala hadli doono Madaxda DFS .
Waxaana isla wafdigaani maanta u duuleen magaalada Muqdisho halkaas oo ay wada hadalo kula leeyihiin madaxda Somaliya oo ay kawada hadli doonaan khilafadka soo kala dhexgalay barlamanka Somaliya iyo sidii loo xalin lahaa.